Warark aan ka heleyno degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusuna Waljmaaca ay dib ula wareegeen deegaanada Dhagaxyaale iyo Wara-dhuumale ee Galbeedka degmada Guriceel.
Duhurnimadii Maanta ayay Al-Shabaab weerareen deeganadaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyad deegaanka ah balse markii dambe ay gaareen Ciidamada Maamulka Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa xaqiijiyay in ay deegaankaas Al-Shabaab ka saareen kadib markii ay damceen in ay joojiyaan Xuska Dhalashada Nabiggeena(NNKH)
Waxa uu sheegay in ay dadka deegaanka u diideen in ay xusaan dhalashadii nabigeenna (NNKH)
Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan weli uu holwgalku socda,isla markaana ay uga damategi doonaan halkii ay aadeen shacabkana looga baahan yahay in ay ciidamada la Shaqeeyaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Nabad-Sugida.