Door noocee ah ayey Dowladda ku leedahay abuuritaanka nidaam Mideysan oo jiheeya Ganacsiyada Yaryar?

Dawladdu markasta door weyn ayey ku leedahay abuurista nidaam mideysan oo lagu jiheeyo ganacsiyada yaryar, haba ugu badnaato sameynta sharciyo iyo siyaasado fududeeya habsami u socodka horumarka ganacsiyada. Soomaaliya, gaar ahaan, waxay waayihii dambe ku talaabsaneysay horumaro farabadan oo dhanka shuruucda iyo siyaasadaha taageera ganacsiyada, in kasta oo ay gaabisyo jireen.

Haddaba barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeyno Doorka ay Dowladdu Ku Leedahay Abuuritaanka Nidaam Mideysan oo Jiheeya Ganacsiyada Yaryar ayaan qodobadaas ku faaqidi doonaa. Barnaamijkan waxaa taabogeliyey barnaamijka The Next Economy oo ah mashruuc ka shaqeeya shaqo-abuurka iyo taageerida ganacsiyada yaryar ee dalalka Mali, Nigeria iyo Soomaaliya. Waxaana barnaamijkan Soomaaliya ka hirgelinaya Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD.

Barnmaajikaan arrintaas looga hadlayo waxaa ka soo qeybgalaya martida kala ah;

1-Axmed Sheikh Cabdullaahi oo Agaasimaha Ganacsiga & Suuqgeynta ee Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha,

2-Iqra Cabdi Xaashi oo ah Milkiilaha Xarunta Ganacsiga Dhool sidoo kalena ah Agaasimaha Madasha SWIB, iyo

3-Mohamed Okash oo ah Madaxa Hal-abuurka Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada & Ganacsiga ee Jaamacadda SIMAD.

Barnaamijkaan oo dhameystiran halkaan ka dhageyso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media