Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa gudaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay saddex ruux oo shacab ahaa.
Dilkan ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay agagaarka Baar ha idhaafin ee Degmada Waaberi,waxaana raggaas xiliga la dilaayay ay ku socdeen Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in kooxihii ka dambeeyay falkaas goobta si deg deg ah ay ugu baxsadeen Mooto Bajaaj.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,isla markaana goobta ka soo qaaday Meydadka ragga la toogtay.
Waraka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in saddexda ruux ee la dilay ka tirsanaayeen Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta dharcada.
Weli ma jiro wax war ah oo la soo baxya laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan wararka sheegay in Askar ka tirsan nabadsudiga lagu toogtay Magaalada Muqdisho.