Dhageyso:-Soomaaliland oo soo bandhigtay Ciidamo ka soo goostay Puntland

Maamulka Soomaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in ay kasoo goosteen Maamulka Puntland gaar ahaan kuwo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidamadaas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 118 Askari ayaa gaaray Magalada TaleexMaamulka Soomaaliland waxa ay sheegeen in ay si iskood ah uga soo baxeen furumaha dagaalka,isla markaana xilligan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada Soomaaliland.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada la sheegay in Puntland ay ka soo goosteen oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale,waxa uuna sheegay in ay kasoo goosteen Puntland kadib markii ay wadatashi la sameeyeen Saraakiisha Ciidamadooda,Odayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland ay kasoo baxeen halkii ay ka dagaalamayeen.

Ciidamada ay Soomaaliland soo bandhigtay ayaa ku sugnaa deegaanka geed Qaboobe oo ka mid ah deegaanada Gobolka Sool oo ay xiisada dagaal ka jirto,isla markana Ciidamada Puntland iyo Soomaalilnad isku hor-fadhiyaan.

Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale  oo ah Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Soomaaliland in waxqabad dhab ah ay u muujiyaan maadaama ay ku biireen ciidamada Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka Ciidamada hoggaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media