Dowladda Japan oo ku deeqday Dhaqaale lagu xoojinayo Nidaamka Caafimaadka ee Somalia.

Yaboohaas Lacageed oo dhan 1,067 million oo Dollars ayaa lagu wareejiyey Madaxa QM ugu qaabilsan Horumarinta Dhaqdhaqaaqyadda Dadweynaha (The United Nations Population Fund (UNFPA) ugu qaabilsan Somalia, Nikolai Botev.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in Kharajkaasi loohu tala galay xoojinta Nidaamka Caafimaadka ee Somalia, iyadoo xoogga la saarayo Dadka soo laabanayo iyo Buldhooyinka dhibaataysan.

 

Madaxa QM ugu qaabilsan Horumarinta Dhaqdhaqaaqyadda Dadweynaha  ee (UNFPA) ugu qaabilsan Somalia, Nikolai Botev waxa uu Dowladda Japan uga mahad celiyey Taageeradaasi, isagoo sheegay in Kharajkaasi loo adeegsan doono sidii loo hubin lahaa inaysan Haween ama carruur  geeriyoonin Xilliga Foosha.

Waxa uu intaasi ku daray in la rajeynayo in Mashruucaasi la gaarsiiyo 200,000 oo Haween Somali ah oo ku jira Da’da ay Haweenka wax ku dhali karaan iyo Dhallinyarada ku nool Deegaanadda loo qoondeeyey in ay ka faa’ideystaan Kaalmadaasi.

Somalia waxay ka mid tahay dalalka ugu sarreeya ee Tiradda dhimashadda ee Caalamka, iyadoo 22-kii haween mid ka mid ah geeriyoodaan xilliga ay Uurka leeyihiin.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media