• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 3, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Maxaa ka soo bixi kara Kulamadda Xildhibaanadda Barlamaanka ee Moshinnadda horyaala ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 23, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Fadhigii Lixaad ee Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ayaa la sheegay inuusan xirmi doonin xilligii loo qorsheysan oo ku beegan bishan August 27-da, kadib, markii uu Guddoonka Barlamaanka shaaciyey inay weli qabyo yihiin Mooshinadda loogu talagalay in laga dodo, si loo ansixiyo.

Kulamadda Xilligan ee Barlamaanka oo soo bilowday bishii April 27-dii ee sannadkan ayaa u muquda inuusan si joogto ah u qabsoomi jirin, sababo la xiriira Xildhibaanadda oo habsan ka noqda Xilliyadda Shirarka, iyadoo uusan Guddoonka Barlamaanka hanan kari la’ yahay inuu Tallaabo Anshsax-marin ah ka qaado Xildhibaanadda caadaystay inay sagsaag ka noqdaan Fadhiyadda Barlamaanka.

La-yaabna uma arkaan in Kulamadda ay u baaqdaan tiro-yaridda Xildhibaanadda, waxaana Xildhibaanadda lagu tilmaamaa kuwo si ku-talagal ah isaga jooga Hoteeladooda, marka ay Guddoonka Barlamaanka soo bandhigaan Mooshin aan Xasaasiyad lahayn.

Waa u dhaqan Xildhibaanadda inay Madasha Barlamaanka ku soo xoomaan, marka laga doodayo Mooshinadda Siyaasadeed, gaar ahaan kuwo u qorsheysan in Mas’ululiyiin xilalka looga xayuubiyo.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka in Xilli-kordhinta Fadhiga Lixaad ee Barlamaanka inay ku salaysan tahay iyadoo ay miiska saaran yihiin  Sharciga Isgaarsiinta iyo Moshinka ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadda BFS ayaa jeclaa inay Fasax galaan, si ay ugu suurto-gasho inay booqdaan Qoysaskooda ku nool dalalka dibedda ama ay u soo danaystaan, laakiinse, waxaa hakiyey, kadib, markii ay Guddoonka Barlamaanka iclaamiyeen in xilli lagu daray Kulamadda Xildhibaanadda.

Mooshinka ugu garnaqsiga adkaan doono ayaana la saadaalinayaa inuu ka imaan doono Xildhibaanadad Mooshin-jecelka ee had iyo jeer u ololeeya Qandaraaska Mooshinka, kuwaasi oo la xusuusan yahay inay Saf-mar ka noqdaan hadba Mas’uulka ay u arkaan inuusan bixin karin Dufan-Siyaasadeedka ku sidkan Mudane, l Af-garo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan  Xildhibaanadda wada taageeri doonin Mooshinkaasi, maadaama ay u arkaan Mooshin la keenay Xilli aan Munaasib ahayn, isla markaana uu Mooshinku abuuray  Qas Siyaasadeed iyo Khatar Qaran.

Xildhibaanadda Mooshinka soo bandhigay, oo tiro ahaan  lagu sheegay 91-Xildhibaan ayaa waxaysan lahayn Aqlabiyadda Codadka taageersan Mooshinka, oo dhan 184 Xildhibaan.

Xaalladda Siyaasadda ee haatan taagan ayaa laga cabsi qabaa inay ka abuurmaan Mowjaddo kale, oo ay ka mid tahay in Khilaafka Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda Mooshinka wata uu u gudbo Maxkamadda Sare, iyo inuu Madaxweynuhu dalbado inay Xildhibaanadda keenaan Caddaymo muujinaya Qoddobadda ay ku eedeeyeen.

Taasi haddii la isla gaaro, waxaa hubaal ah inay Xildhibaanadda madaxa la geli doonaa Xukun Sharciyeed, maadaama ay muuqato inay Qoddobadda ay cuskadeen yihiin kuwo la mala awaalay, si loogu awr kacsado Dareenka Xildhibaanadda iyo Mujtamaca.

Sharci-yaqaanadda waxay kaloo rumeysan yihiin inuu Madaxweynuhu isagoo adeegsanayo Awoodda uu siiyey Dastuurka inuu kala diri karo Xildhibaanadda, si loo soo doorto Barlamaan cusub.

Laakiin, go’aan-qaadashada noocaasi ayaa u muuqata inuusan Madaxweynaha ku degdegi doonin, si aysan Xaalladda u sii gaagixin, loona badbaadiyo Hay’adaha Qaranka.

Markaynu isku soo duubno, Xildhibaanadda BFS ayaa laga filayaa inay Mooshinka ku  xaliyaan  qaab kasta oo  aan kala dhantaali doonin Midnimadda Golayaasha Dowladda iyo Fulinta Hawlaha Qaranka.

 

Previous Post

Somalia: Al- Shabab threatens to continue explosion attacks

Next Post

AMISOM oo tababar u furtay boqolaal ka tirsan Ciiddanka Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday
Caalamka

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

July 3, 2025
Next Post

AMISOM oo tababar u furtay boqolaal ka tirsan Ciiddanka Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sii...

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka Madasha Mucaaradka oo uu...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Registers as First Voter in South West State Electoral Rollout
English News

President Laftagareen Registers as First Voter in South West State Electoral Rollout

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
  • Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
  • Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00