Ugu yaraan 200 Askar cusub ayaa waxaa magaalladda Baydhaabo looga furay tababar socon doona muddo saddex bilood.
Saraakiil Milliteri oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa bixnayo Tababarka loo furay Ciiddankaasi oo ka tirsan Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia, waxaana laga kala keenay Degmooyinkii ay AMISOM dhawaan kala wareegeen Alshabaab.
Sholla Omilade oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ciiddankaasi la horumarinayo awoodda Ciiddanka Boliska Somalia, isla markaana la rajeynayo inay mar kale rajo u keenaan Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dalkooda, si ay u caawiyaan Muwaadiniintooda.
Waa Tababarkii ugu horreeyey oo ay Hawlgalka AMISOM u furtaan Ciiddan ka kala socda Degmooyinka Goballadda Bay, Bakool iyo Sh/hoose, waxaana la filayaa marka ay dhamaystaan Tababarkaasi inay ka hawlgalaan Degmooyinka hoos yimaada Dowlad-gobaleedka K/galbeed Somalia.