Qarax weyn oo dayankiisa laga wada maqlay Muqdisho ayaa waxa uu saakayto ka dhacay meel ku dhow Hotelka Dayax oo ku yaalla inta u dhexeysa Isgoysyadda Dabka iyo Sayidka ee Waddada Maka Al-mukarama.
Dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegay inuu qaraxu burbur u geystay qeybo ka mid ah Dhismayaasha ku dhow-dhow ee Degmooyinka Waaberi iyo H/wadaag.
Wararka hordhaca ayaa sheegayo inuu socdo dagaal fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Dagaalyahano Alshabaab iyo Ilaaladda Hotelka Dayax, waxaana la sheegay inay jiraan dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay rasaasta la is-weydaarsaday.
Mid ka mid ah Weriyayaasha ka hawgala Muqdisho ayaa ka mid ah dadka rayidka ee ku dhawaacmay qaraxaasi.
Warar ayaa sheegayo inay Dagaalyahano Alshabaab gudaha u galeen Hotelka Dayax, waxaana goor dhow uu qarax labaad ka dhacay gudaha Hoteelkaasi.
Dhinaca kale, Â Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ayaa deggan Hotelkaasi oo ka mid ah Hotelladda ugu casriyeysan ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan