Faah faahin:-Shil ka dhacay deegaan ka tirsan Galgaduud

Wararka aan la heleyno duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay Shil  geystay Khasaaro.

Shilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay wadada laamiga ah ee deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, waxaana uu yimid kadib markii gaari nooca xamuulka oo siday Khubaad badan oo xowli ku socday uu mar qura wadada kabaxay, sidaasina uu ku rogmaday.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in shirkaas uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux oo la socday gaariga, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo xiligaas goobta ka agdhawaa iyo Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Godinlabe.

Sawirro laga soo qaaday gaariga rogmaday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay in gaariga uu siday Khudaar aad u badan, taasi oo wadada ku daaratay iyo Jawaano ay ku jirto khudaar kale, waxaana kamid ahaa Liimo dhanaan.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo inta badan ka dhasha gaadiidka oo loo wado xawaare sare iyo siyaabooyin kale.

Comments
Loading...