Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale ayaa u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyagoona laga sii sagootiyay Garoonka Aadan Cadde.
War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Addis Ababa kulamo kala duwan uu kula qaadan doono Madaxda dowladda Itoobiya.
Faah faahin intaas ka badan laga bixin Safarka uu Xasan Cali Kheyre ugu ambabaxay dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu la kulmi doono Madaxda Itoobiya.
Si kastaba Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyrea ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta uu ku egyahay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, waxaana xusid mudan in dalka Itoobiya laga helay dhowr qof oo qaba Cudurka haliska ee Coronavirus.