Cudurka Coronavirus ee safka ku socda ayaa gaaray dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyada oo gobolka West Vergina kiiski ugu horreeyey ee cudurka talaadadi laga helay.
Marki shaaca laga qaadayey kiiska ugu horreeyeyna Barasaabka Wes Virginia Jim Justice wuxuu yiri: “waan ogeen iney tani imaneyso.”
Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco aagga Bey.
Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaartay 105.
Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah.