Faah faahin:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda  Soomaaliya, waxaana la helayaa faah faahinno dheraad ah oo ku aaddan Qaraxa, iyadoo jugta Qaraxa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolkani Banaaadir.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay KM4, waxaana uu  ahaa Miino waddada dhinaceeda la dhigay, taasi oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday Cornel Maxamed Daahir Taliyaha Ciidanka Eregta (Ciidanka Ilaaliya dhammaan xarruumaha dowladda) ee Booliska Soomaaliya, waxaana wararku intaa ku darayaan in uu ka bad-baaday Qaraxaasi.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in khasaaro uu soo gaaray ilaalada taliyaha, waxaana goobta gaaray Ciidanka Booliska, kuwaasi oo baaritaanno billaabay, inkastoo aan wali la shaacin dad loo soo qab qabtay qaraxa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor