Faah faahin:- Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Wararka aan ka helayno Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay, kaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha kaal duwan ee Magaaladaasi.

Dad goobjoogyaal ah oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalo suuqa qaadka ee Baydhabo, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu gaystay khasaaro isugu jira DHimasho iyo dhaawac.

inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Qaraxaasi Seddex ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ay macquul taahay in dhimashadu ay sii kororto, maaddaama qaraxu ahaa mid xooggan oo si weyn looga maqlay Magaalada.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen, waxaana ay billaabeen sida la sheegay howlgallo ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay Qaraxaasi, inkastoo aan la shaacin cid loo soo qabtay Qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay maqaayad ku taallo suuqa qaadka ee Magaalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor