Faah Faahin:-Nin dhaawac u geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowlada oo lagu qabtay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin hubeynsan oo Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya ku dhaawacay Suuq Bacaad oo ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dad Gooboogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ninka falka dhaawac ah u geystay Askariga ay soo qabteen Ciidamada dowlada,xili uu ku sugnaa gudaha Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale waxaa la sheegay in askarigii la dhaawacay loo aaday Isbitaal si halkaasi loogu dabiibo Xaaladiisa Caafimaad.

Falkan ayaa ku soo aadaya xili Maanta Nin hubeysn uu isku dayay in uu dilo Askari ka tirsan Ciidamada dowlada,kaasi oo ku sugnaa Taaladda Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir,hayeeshee askari kale uu dilay Ninkii hubeysnaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media