DEG DEG:-Nin hubeysan oo Goordhow lagu dilay Muqdisho

Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya Taaladda Daljirka Daahsoon uu ku dilay Nin hubeysan oo watay Bastoolad.

Dad ku sugan agagaarka Daljirka ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Ninka la dilay uu iska dayay in uu toogto Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo ku sugnaa Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir,balse Askari kale uu Ninkii hubeysnaa dilay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa yaalla Meydka Ninkii hubeysnaa,isla markaana waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in rag kale oo la socday Ninka la dilay ay goobta ka baxsadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media