Ku-dhawaad 6,800 Askar isugu jirta rag iyo haween ka tirsan Boliska ayaa waxaa isbuucan la siin doonaa mushaar heerkiisu sarreeyo, sidaas waxaa sheegtay Ergayga Midowga Europe u joogta Somalia, Ambassador Veronique Lorenzo.
“Waxaan aqoonsanahay inay mas’uuliyadda Dowladda tahay mushaar bixinta, haddana EU-da oo saaxiib weyn oo dhinaca Horumarinta ah inay bixin doonaan Mushaaraadka, si loo hubiyo inay Saraakiisha Boliska kordhiyaan Ammaanka, Sharciga iyo Kala-dambaynta” ayey tiri Veronique Lorenzo.
Waxay intaasi ku dartay inay Mushaaraadka Midowga Europe laga bixin doono Bangiga Dhexe ee Somalia, iyadoo si toos ah loogu shubayo Xisaab-lacageedka Bangiga ee Saraakiisha Boliska ku leeyihiin.
“Tallaabadaasi ayaa noqon doonta mid fudud, degdegsiimo leh oo aad u hufan” ayey tiri Danjiraha EU-da u joogta Somalia.
Waxayna intaasi ku dartay in Nidaamkan cusub taageeri doono Horumarka Ajendaha dib loogu habaynayo Laamaha Ammaanka iyo in la dhiso Mamul hufan loo dhiso Waaxyaha Amniga.
©Radio Dalsan