Ku-dhawaad 100 ka tirsan Ciiddankaasi oo qeyb ka ah Nabad-ilaaliyaasha QM ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay Dowladda Kenya ku amartay inay isaga baxaan Hawlgalka ay u joogaan dalka Koonfurta Suudaan.
Askartan ayaa la sheegay inuu Saldhigooda ahaa Degaanka Wahu oo ka tirsan Caasimadda South Sudan ee Jubba.
Jeneral Benjamiin Biwott ayaa Weriyayaasha ugu sheegay Garoonka Caalamiga ee Nairobi in Kun Askari maalmaha soo socda laga soo daad-gureyn doono Koonfurta Suudaan.
Tallaabadan ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Kenya ka carootay Xil-ka-qaadis lagu sameeyey Taliyihii Kenyanka ee madaxda u ah Nabad-ilaaliyaasha QM ee joogta dalkaasi.
Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa xilka ka qaaday Taliyahaasi oo lagu magacaabo Jeneral Johnson Mogoa Kimani Ondieki, kadib, markii ay Baarayaasha QM sheegeen inay Ciiddanka Nabad-iaalinta ku fashilmeen inay ka jawaab celiyaan weerar bishii July lagu qaaday Hotel ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Jubba.
©Radio Dalsan