Doorashadda xubnaha Maamulka Hirshabelle uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda ayaa si habsami leh uga socota Casaimadda Maamulkaasi ee Jowhar.
Ilaa 98 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka HirShabelle ayaana u codeynayo 8-da xubnood ee uu Maamulka HirShabelle uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Xildhibaankii ugu horreeyey ee ku guuleysta Cod-bixintaasi ayaa noqday Cusmaan Axmed Macow, kaasi oo 73 cod kaga badiyey Musharixii la tartamayey ee C/nuur Ibraahim Fareey oo helay 24 Cod.
Sidoo kale, Prof. Cusmaan Xaaji Maxamed Dufle iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa iyagana ku guuleystay xubinimadda HirShabelle uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Prof. Dufle waxa uu 85 Cod uga guuleystay Jaamac Xuseen Xaashi oo isagu helay 12 Cod.
Dhinaca kale, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa isagana ku soo baxay xubnaha HirShabelle ee Aqalka Sare, kadib, markii uu 91 cod kaga guuleystay Xasan Cali Caadle oo helay 4 cod.
©Radio Dalsan