La-taliyaha Gaarka ee Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Berhane Gebrechristos ayaa ku tilmaamay Ammaanka soo hagaagayo ee Somalia sidii Horumar wanaagsan oo ay Ethiopianka gaareen oo kale..
Waxa uu intaasi ku daray Nabadda iyo Xasiloondia Somalia inay micno weyn u leedahay Ethiopia, waayo Dunida waxay dhabarka u jeediyeen Somalia markii ay u oomanayd in laga taageero Nabadda, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Danjiraha Ethiopia u jooga Somalia, Ambassador Wondimu Asaminew, ayaa sheegay inay Dowladda Somalia haatan maamulaan Caasimadda Muqdisho iyo qeybo badan oo ka tirsan Somalia, iyadoo ay Ethiopia door weyn ka qaadatay arrintaasi.
Ambassador Wondimu waxa uu sheegay Iskaashiga Milliteri ee Ethiopia iyo Somalia haatan iska kaashaadaan qeybo kale, sida Tacliinta, iyafoo Arday badan oo Somali Waxbarasho Sare ku qaataan gudaha dalka Ethiopia.
Somalia oo ka soo kabanaysa Sharci La’aantii ka jirtay 25-kii sanno ee la soo dhaafay, waxay furtay Baal cusub oo ay ku laabtay wixii horey u soo maray, waxayna Dowladda Somalia marti-gelisay Shirkii 28-aad ee Madaxda Dowladaha ku bahoobay Urur-gobaleedka IGAD.
Shirweynahaasi oo bishan September 13-dii lagu qabtay magaalladda Muqdisho, waxaa Shir-guddoomiyeRa’isulwasaaraha Ethiopia. Ahna Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka IGAD, Hailemariam Dessalegn.
Dhinaca kale, Danjiraha Ethiopia u jooga Somalia, Ambassador Wondimu Asaminew, ayaa sheegay inay Dowladda Somalia haatan maamulaan Caasimadda Muqdisho iyo qeybo badan oo ka tirsan Somalia, iyadoo ay Ethiopia door weyn ka qaadatay arrintaasi.
Ambassador Wondimu waxa uu sheegay Iskaashiga Milliteri ee Ethiopia iyo Somalia haatan iska kaashaadaan qeybo kale, sida Tacliinta, iyafoo Arday badan oo Somali Waxbarasho Sare ku qaataan gudaha dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer hore u sheegay inay Ethiopia door wanaagsan ka qaadanayso Xaqiijinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
©Radio Dalsan