Eedeymo loo jeediyay guddiga xakamaynta Covid 19 ee Somaliland

Afhayeenka Xisbiga Wadani ee Somaliland oo maanta shir jiraa’iid u qabtay suxufiyiinta ayaa ka hadlay saameynta xanuunka Corona ee gudaha deegaanada maamulka Somaliland isaga oo eedeymo u jeediyay guddiga loo xilsaaray xakamaynta Corona.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay go’aamadii ay soo saareen guddiga ee ay ka mid ahaayeen in la xiro Masaajiddada,Iskuulada iyo in aan  fagaarayaasha lagu dukan karin fagaarayaasha la iskugu yimaado.

Waxa uu sheegay in dhaqaalihii loogu talagalay xakamaynta xanuunkaan in aysan adeegsan xukuumadda Somalland welina ay dhibaato caafimaad oo daran ay ka jirto Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soot ago hadalka Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa waxaa muuqata in ay sii kordhayaan tirade dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19 ee gudaha Somaliland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media