RW Kheyre oo ka qeb galay shir looga hadlayay hormarinta Maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan al Kheyre aya aka qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha maaliyadda dalka kaas oo khadaka Internetka ku qabsoomay.

Shirkaan oo ahaa mid todobaadkiiba mar ay qabato wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa shir guddoominayay Wasirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle waxaana si aad ah looga dooday hormarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kaabayaasha muhiimka u ah.

Wasiirka Maaliyadda oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban ayaa sheegay  in sharaf weyn ay u tahay  in R/Wasaaraha Soomaliya Md Hassan Ali Kheyre uu maanta kala soo qoyb galay shirkaas Todobaadlaha ahaa ee aan uga hadlay Horumarinta Maaliyadda iyo Isbadalka Dhaqaalaha Dalka ee (ECF).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media