Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbaahinta usoo bandhigay shabakad weyn oo ka ganacsata Maandooriyaha, kuwaasi oo lagu soo qabtay Howgallo ay sameeyeen Booliska Gobolka.
Guddoomiyaha ayaa dul tagay Goobo lagu kariyo Maandooriyaha lasoo galiyo Caasimadda, waxaana uu Guddoomiye Maddaale sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan dadka ka ganacsada Maandooriyaha.
Ilaa iyo Seddex Goobood oo lagu sameeyo Maandooriyaha ayuu sheegay inuu dul tagay Guddoomiye Madaale,waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaadkii ka ganacsanaayay.
Howlgalka ayaa mid laga sameeyay waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho,waxaanna Boolisku ay ka dul tageen Goobo lagu soo diyaarin jiray Maandooriyaha Magaalada Lasoo galiyon goobahaasi oo ku yaalla meelo ka baxsan Caasimadda, gaar ahaan inta u dhaxaysa Balcad iyo Muqdisho.