Dowladda Masar waxay Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyeen Qaraar Qabyo ah oo ku baqayo inay Yuhuudda sid ugu dhqsaha badan u joojiyan dhamaan Hawlaha Deegaamaynta ee ay ka wadaan Xuduudka La-haysto ee Falastiin, oo ay ku jirto Bariga magaalladda Qudus-ta La-haysto.
Dowladda Maraykanka oo Danaha Yuhuudd ku badbaadisa gudaha QM ayaan la ogeyn inay taageeri doonaan Qaraarkaasi iyo inay Codka Diidmadda Qayaxan ee VETO ku hor-joogsan doonto Qaraarkaasi.
Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka kama hadlin arrintaasi, balse, qaar ka mid ah Diplomasiyiinta ayaa rajeynaya inay Ergadda Maraykanka ka maqnaan doonaan Shirka 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM caawa ugu codeyn doonaan Qaraarkaasi.
Dhinaca kale, Ra’siul-wasaaraha Yuhuudda,. Benjamiin Natayaahu waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay inay Maraykanka laali doonan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee ay caawa ka gaari doonaan Deegaamaynta Yuhuudda ee dhulalka La-haysto ee Falastiin.
©Radio Dalsan