Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Khubad ka jeediyay Shirka wadatashiga ah ee Beesha Muddulood uga socda Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qey galo Shirweynaha Beesha Mudullood, isagoona u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo shaqeyay Gogosha Beesha.
Waxaa uu sheegay Cumar Finish in Shirka Maanta furmay uu yahay fursad muhiim oo la helay, isla markaana ay tahay in la helo wax ay wada dhowraan siyaasiga xilka haya iyo midka xilka ka dagay oo ay beesha Mudullood leedahay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in shirka markii uu soo dhamaado ay kasoo bixi doonaan Go’aano muhiim u ah shacaka Soomaaliyeed.
“Waa in ay jirtaa wax ay wada dhowraan siyaasiga xilka haya iyo midka xilka ka dagay oo ay beeshu leedahay, Umad waxa ay ka horumartaa talo mideysan iyo mabaa’dii, waxaan u baahanahay masaaliix joogto ah oo aan marnaba raacin is bedelka siyaasadeed ee dalka” ayuu yiri Cumar Maxamuud Finish.