Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Mowlaca Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur ayaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Shirka wadatashiga ah ee Beesha Mudullood, kaas oo dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid.
Shirkaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan aayaha Beesha Mudullood.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee dalka sida Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed, Raโiisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Xildhibaano ka tirsan DFS, siyaasiin, waxaa kaloo ka qeyb galaya in ka badan 1000 qof oo lagu Casuumay shirkaas.
Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu Casuumay, waxaana shirkaas laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.