Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo oo ay ku tartameen labo musharax.
Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 23 Cod.
Sidoo kale Duqa Cusub ee Gaalkacyo ayaa waxaa doorashada kula tartamay Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne,kaasi oo helay 7 Cod oo kaliya,waxaana halaabay 1 cod.
Goobta lagu dooranaaye Duqa Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa 31 xubnood oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.