War Goordhow naga soo gaaray Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi Caawa lagu dilay laba ruux oo la sheegay in ay ahaayeen shacab.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Degmada Kaaraan,isla markaana loo geystay laba ruux oo shacab ahaa.
Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay inay fuliyeen dilkaas,iyagoona durbo goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Dad shacab ah ayaa tegay goobta uu falkan ka dhacay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydadka dadkii la dilay,waxaana markii dambe soo gaaray goobta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraaan ee Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadka shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.