Afhayeenka Nadaxweynaha Turkiga ayaa sheegay Go’aanka ay Maraykanka kaga baxeen Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan lala saxiixday sannadkii 2015-kii uu horseedi doono Deganaansho La’aan iyo Dagaallo cusub oo ka curta Mandiqadda.
Afhayeenka, Ibraahim Kaalin waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Turkiga sii wadi doonto diidmada dhamaannoocyadda Hubka Nukliyerka, wuxuuna ugu baaqay Dowladaha kale inay sii wadaan Heshiiska laga gaaray Barnaamijka Nukliyerka Iiraan.
Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov  ayaa sheegay inay Raashiya weli baaqi ku tahay Heshiiskii ay Quwadaha waa weyn la gaaleen dalka Iiraan.