Dowladihii soo maray Talada dalkeenna waxaa inta badan lagu eedeeyaa inay yihiin Dowlado ku naaxay Musuqa iyo Boobka Hantida Qaranka.
Waana Xaqiiqo inuu dalkeenna ka mid yahay Dalalka ugu Musuqa iyo Maamul-xumidda badan Caalamka, wuxuuna safka hore ugu jiraa Dowladaha ku caan baxay Gacan-bidixeynta Taageeradda Dhaqaale ee ay Beesha Caalamka ugu yaboohaan Dadka Soomaalida.
Xeeldheerayaasha Dhaqaalaha ayaana rumeysan in Cadaymo muuqda loo hayo Sooyaalka Musuqa iyo Boobka Hantida Qaranka, iyadoo aan weli la maqlin Mas’uul loo maxkamadeynayo Boobka Hantida Qaranka iyo Ku-takrifalka Awoodda iyo Sharciga dalka.
Musuqa Baahsan ee ka jira Hay’addaha Dowladda, waxa uu saamayn ku yeeshay Nidaamka Doorashadda, iyadoo Musuqa laga dhiganayo Xeellad-siyaasadeed lagu ganacsado, si loogu iibsado Codadka, Kuraasta Barlamaanka iyo Xilalka kale ee Qaranka, illayn Sadar muuqda su’aal ka dhan ayaa horey loo yiri.
Dhaqaale-yahannadda ayaa iyagana argagax ka muujinaya Kharajka Mushaaraadka, Gunnadda iyo Safarka Mas’uuliyiinta Dowladihii isaga kala dambeeyey Xukunka dalka, haba ugu darnaadeen kuwii la dhisay wixii ka dambeeyey bartamihii sannadkii 2000.
Waa xaqiiqo inay Madaxdeenna (Golayaasha Fulinta iyo Sharci-dejinta) yihiin kuwa ugu mushaarka badan, uguna waxtarka yar marka loo eego Xilligan Dib-u-dhiska Qaranka ku burburay Colaadaha Sokeeye iyo kuwa Siyaasadeed.
Hadal-haynta ugu ballaaran ee Xilligan ayaa ah sida ay Siyaasiyiinta ugu xusul-duubayaan inay xubno ka noqdaan Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Musharax kasta waxa uu Kharaj ku bixinayaa sidii loogu codeyn lahaa Kuraasta Labada Aqal oo ay iminka doorashadiisa ka socoto qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda.
Ma aha Dhacdo Cusub iyo Arrin la hoosaasinayo Dhaqdhaqaaqyadda haatan socda, waana hubaal inuusan jirin Musharax ka nadiif ah Hab-dhaqanka Musuqa ee lagu kala iibsanayo Codka Kuraasta.
Muharax kasta waxa uu Kharaj badan ugu bixinayo inuu noqdo Xildhibaan, iyadoo Xildhibaannimadda loo arko Xil Mushahaar iyo Macash Fiican leh.
Xildhibaanadda haatan la dooranayo waxay kaloo maanka ku hayaan Mushaarka Joogtadda iyo Gunnaadda, iyadoo uu Xildhibaan kasta mushaar ahaan loo siiyo 3,000 oo Dollar Bishiiba.
Xildhibaanadda oo keliya ma aha Mas’uuliyiinta iska dhurta Mushaaraadka Fooqul-caqliga ah, iyadoo Wasiir kasta bishiiba qaato Mushaar dhan 6,000 oo Dollar.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in la qaado Tallaabo Muuqato oo looga hor-tagayo Dhaqan-xumida Musuqa, lagu xakameynayo Mushaarka Madaxda Hay’addaha Qaranka oo halis ku ah Nolosha Dadka Soomaalida, oo iyagu badankooda maalintii uu soo galo Dakhli ka yar 2 Dollar.
Musharixiinta Xildhibaanimadda iyo kuwa ku loolami doona Xilka Madaxweynaha waxaa ku habboon inaysan Siyaasadda ka dhigin Jaranjaro Ganacsi lagu macaashi doono, ee ay Siyaasadda ka dhigaan Qalab lagula dagaalamo Musuqa, Boobka Hantida Qaranka, Caddaalad-darradda iyo inuu Xilku noqdo mid loogu adeegayo Dib-u-dhiska dalka iyo Daryeelka Xuquuqda Muwaadiniinta.
Waana ayaan-daro haddii ay Madaxdu nolol sare la tiicaan, halka qeybaha kale ee Bulshaddana la yururaan Shaqo La’aan, Saboolnimo, Mustaqbal-xumo iyo Adeeg La’aan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa is-weydiin mudan Sidee lagu heli karaa Dowlad-wanaag, Maamul Hufan, Hanti Qaran oo dhowrsan iyo qaabka lagu beekhaamin karo Mushaaraadka Fooqul-caqliga, Musuqa Baahay iyo Miisaaniyadda Dowladda soo socota?
©Radio Dalsan