Dagaalka oo bilaawday subaxnimadii saaka ayaa waxa uu u dhexeeyaa laba beelood oo halkaasi wada dega oo tiro dhowr mar wada dagaalamay.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dagaal uu sidoo kale ku faafay deegaano hoostaga magaalada Ceel Afweyn oo kala ah Dhidinka iyo deegano kale.
Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay mid qaraar isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Maamulka Somaliland ayaa la sheegayaa inay wado qorshe ay halkaasi ciidamo ugu direyso si ay u kala dhex galaan labadaasi beelood ee halkaasi ku dagaalamaya.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aanan la ogeyn inta uu la egyahay qasaaraha uu geystay dagaalka.