Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay darawalkii waday Gaari Maanta ku qarxay Suuq ku yaalla Isgoyska Kaawa Godeey qeybta degmada Wadajir.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in dhagar ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.
Qarixii ka dhacay Isgoyska Kaawa-Godeey ee degmaa wadajir ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxana xilliga qaraxa uu dhacayay ay Goobta aheyd mid mashquul badan.