Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Xaafada Kaawa-Goodey qeybta degmada Wadajir kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay Suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla Kaawa-Godeey,waxana xilliga qaraxa dhacayay goobta ay aheyd mid dad farabadan ay joogaan.
Inta la xaqiijiyay 9 Ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyootay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ku sugnaa Goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in darawalkii waday gaariga qarxay ay Ciidamada Amniga Gacanta ku dhigeen.