Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii gudaha dalka

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow ku dhawaaqday in la joojiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa waxaa lagu sheegay in wixii ka bilowda maalinta berri ah si KMG ah loo joojiyay duulimaadyadii gudaha dalka, si looga hortego faafida Cudurka halista ee Coronavirus.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa Diyaaradaha iyo dadka la shaqeeya lagu amray inay u hogaansamaan awaamiirta iyo tallooyinka dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwixii ka bixi jiray, si looga hortego faafida Cudurka halista ee COVID-19.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media