Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow uu ka dhacay weerar lagu qaaday mootooyin ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.
Rag hubeysan oo kamid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Mootooyinka oo ahaa nooca laba lugaaleyda, waxaana Ciidanka uu weerarka ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen deegaanka lagu magacaabo Buulo-naagey.
Dad ku sugan Buulo-naagey ayaa soo sheegaya in mootooyinkaasi ay saarnaayeen ilaa 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, waxaana halkaas dagaal kooban uu ku dhexmaray Ciidanka iyo ragii weerarka soo qaaday.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu dhintay hal Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda, waxaana halkaas laga soo qaaday Meydka Askariga, waxaana Ciidankii kale ay horey usii wateen socdaalkooda.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ku qaada gaadiidka noocaydiisa kala duwan oo ay la socdaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana weeraradaas qaarkood ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.