Dowladda Shiinaha waxay ku wareejisay Madaxa Nabadda iyo Ammaanka Ururka Midowga Afrika “ The African Union (AU) Commissioner for Peace and Security”, Ismail Chergui lacag dhan 1.2 million oo Dollar, taasi oo loo adeegsan doono Hawlglka AMISOM ee Soo-celinta Nabadda Somalia.
Barta Twitterka ee Ismail Chergui ayaa lagu shaaciyey inuu Lacagtasi ka guddoomay Ambassador Kung Weilin oo ka wakiil haa Dowladda Shiinaha.
“Waxaan uga mahad celinaynaa Dowldda iyo Dadka Shiinaha inay sii wadan taageeradda ay ka geystan Dadaalka Midowga Afrika ee Nabadda Somalia, waxayna Deeqdan ugu dambeysay dhan tahay 1.2 million oo Dollar oo toos loogu gudbinayo Hawlgalka AMISOM” ayaa lagu qorty Barta Twitterka Madaxa Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika.
Dhinaca kale, ma cadda halka Kharajkaasi lagu jiheyn doono, iyadoo Ciiddanka ka socda Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM aysan wax mushaar ah qaadanin, kadib, markii uu Khilaaf Siyaasadeed soo kala dhex galay Dowladd Burundi iyo Ururka Midowga Europe oo iyagu bixiya Mushaaraadka guud ee Ciiddanka AMISOM.
Wasiirka Difaaca ee dalka Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye waxa uu dhawaan sheegay inaysan Ciiddankooda wax mushaar ah la siinin muddo 10-bilood ah, iyadoo uu Askari kasta bishiiba qaadan jirey 800 oo Dollar.
Waxa uu ku goodiyey inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Hawlgalka AMISOM, haddii aysan Dowladaha Midowga Europe fasixin Xayiraadda dhinaca Mushaarka ee ay ku soo rogeen Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.
Burundi waa dalka Labaad ee ciiddanka ugu tirada badan ka joogaan Somalia, kuwaasi oo ay tiradooda ka badan tahay 5,400 Askari.
Dalka Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari.
©Radio Dalsan