• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dowladda Kenya oo sheegatay inay ku guuleysanayaan Dagaalka ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 7, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah Kenya, Amina Mohamed Jibril ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi ay siiyey Barnaamijka UpFront ee Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Mar wax laga weydiiyey Dagaalka weli socda ee ay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya, waxay ku jawaabtay: “Waan ku guuleysanaynaa Dagaalka ka socda gudaha Kenya” waa sida ay hadalka u tiri.

Hadalkeeda ayaa u muuqda mid ka fog Xaqiiqda, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab weli Hawlgallo ka fuliyaan gudaha Kenya, ee ay kaga horjeedaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya ayaa ahaa weerarkii ay Waaberigii hore ee Khamiistii shalay ka geysteen magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.

Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay Weerarkaasi ku dileen 6 qof oo Kirishtaan ah, kuna gubeen Gaari ay Boliska Kenya lahaayeen.

Dhinaca kale, Amina Mohamed ayaa wax laga weydiiyey Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida, Eedeymaha Musuqa harreeyeen Dowladda Kenya iyo Tacadiyadda loo geysto Dadka Soomaalida ee laga tirada badan yahay.

Waxay Wareysiga ay siisay Barnaamijka UpFront ee Aljazeera TV ku beenisay in dadka Soomaalida ee lala xiriirnayo inay taageersan yihiin Xarakadda Alshabaab loo geysto Xarig, Jir-dil iyo in Dhibanayaasha qaarkooda la waayey raqdooda iyo ruuxooda.

Waxay ku dooday inaysan waxba ka jirin wararka ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku xaqiijiyeen inay sii kordheen Tacadiyadda ay Hay’addaha Ammaanka Kenya u geystaan Soomaalida ku nool W/bari Kenya.

Mar wax lag weydiiyey Tallaabadda ay Dowladda Kenya dib ugu celinayso Qaxootiga Soomaalida waqtiga dheer ku noolaa Xeradda Dhadhaab, waxay sheegtay inaysan ku xadgudbin Xuquuqda Qaxootiga iyo Qawaaniinta Caalamka.

“Haddii aan Qaxootiga ku xadgudubno, Caalamka oo idil ayaa hoos imaan lahaa oo sidii Hal Tan oo Bulkeeti ah madaxa nooga soo dhici lahaa” ayey tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo intaasi ku dartay inay Heshiis 3 Geesood la galeen Dowladda Federalka Somalia iyo Hay’adda UNBHCR sannadkii 2013kii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah Kenya, Amina Mohamed Jibril waxaa kaloo beenisay Eedeymaha la xiriira Musuqa ka jira Dowladda Kenya, inkastoo uu Hanti-dhowraha Guud ee dalkaasi sheegay in la la’ yahay 2 BILLION oo Dollar oo loogu tala-galay Kaalmadda Dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinka Aljazeera ayaa la filayaa inay caawa saacadda markay tahay 10-ka iyo Barka Fiidnimo (19:30 GMT) baahiyaan Wareysiga Khaaska ee ay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Amina Mohamed Jibril siisay Barnaamijka UpFront ee Aljazeera TV .

Previous Post

Diplomaasi u dhashay dalka Sierra Leone oo ka tirsanaa Xafiiska QM ee Somalia oo shaqada la cayriyey.

Next Post

Madaxweynaha Syria oo cafis u fidiyey Dagaalamayaasha ku sugan Aleppo.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

Madaxweynaha Syria oo cafis u fidiyey Dagaalamayaasha ku sugan Aleppo.

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00