Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta soo gaartay diyaarad siday Dawooyin kala duwan oo ka timid dalka Itoobiya dawooyinkaas oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa Garoonka Diyaarada ku sugnaa oo isugu jira Xildhibaano iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa Dowlada Itoobiya uga Mahadcelisay deeqdaan Dawada ah o ay ku taakuleysay Soomaaliya iyo sida ay ula murugoodeen Shacabka Soomaaliyeed .
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar ayaa isna sheegay in Gargaarka uusan intaan ku ekaan doonin isla markaana Galabta Diyaarad kale ay imaan doonto Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada