Dowladda Imaaraadka ayaa shalay ku dhawaaqday inay 100 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoope ay u daad-gureyn doonaan Kenya, si loogu soo daaweeyo.
Wakaalladda Wararka u faafisay dalkaasi ee WAM ayaa sheegtay inay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka (ERC) bilowday isku-aadin degdeg ah si dadkaasi dhaawaca loogu qaadi lahaa Kenya, si loola tacaalo xaalladooda caafimaad.
Bisha Cas ee Imaaraadka waxay kaloo sheegtay inay 300 carruur ah oo Qoysaskooda ku waayey Qaraxii Zoope ay taageero iyo daryeel siin doonaan muddo 6 bilood, kadibna loo wareejin doono Xarumaha wax lagu baro carruurta agoonta ah ee ku yaalla magaalladda Muqdsiho.
Kharajka daaweynta Dhaawacyadda iyo Daryeelka Carruurta Agoonta waxaa bixinaysa Hay’adda Samafalka Al-khaliifa ee uu asaasay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Abu Dhabi, Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaani,