Xalay fiidkii Kismaayo waxaa lagu dilay mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay baxsadeen.
Xildhibaan Axmed Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in dilkaas uu ka dambeeyay skari ku labisan Tuutaha ciidanka isla markaana Bartamaha Kismayo uu falkaan ka dhacay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaan kale uu la socday xiliga dilka uu dhacayay balse asyan waxba gaarin arrintaasni uu ku wargeliyay tliska Naba-Sugida Jubbalan ee Magaalada Kismaayo.
Hoos Ka Dhageytso Codka Xilhibaanka