Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka Taageeradda Somalia ee UNSOM, James Swan waxa uu ku baaqay in Xiriirka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda mid waxtar leh, isla markaana dhiirigelin u noqda Horumarka Somalia.
James Swan ayaa soo saaray Qoraalkaasi, kadib, markii uu shalay magaalladda Jowhar uu kula kulmay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo xubnaha Maamulkiisa.
Ergayga QM ee Somalia waxa uu sheegay inay isku waafaqeen in loo baahan yahay in xiriirka wanaagsan ee Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka uu muhiim u yahay xoojinta Dhismaha dowladnimo ee Somalia.
Ergayga waxa uu hoosta ka xariiqay inay Hay’addaha QM ka taageeri doonaan Hirshabelle horumarinta Awoodaha Hay’addaha, Taageeradda Hawlaha Samafalka, Fududeynta Dib-u-heshiisiinta Siyaasadeed iyo Dhexdhexaadinta, Dib-u-habaynta Qeybta Ammanka iyo Horumarinta Kaabayaasha.
Socdaalka uu Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia shalay ku tegay Maamulka Hirshabelle waxa uu haa kii 3-aad ee uu ku booqdo Maamul-gobaleedyadda, isagoo horey cagta u soo mariyey Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland.