War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa walaac looga muujiyey Warmurtiyeed Maalin ka hor ay soo saareen Xildhibaanada Aqalka Sare.
Warmurtiyeedkii Aqalka Sare ayaa waxaa looga hadlay khilaafka xiliigaan u dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug,balse waxaa walaac xoogan ka muujiyey Dowlad goboleedyada.
Warsaxaafadeed ay Maanta oo Arbaco ah soo saareen dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku sheegeen in Aqalka Sare ay hareermareen qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo sigaar ah qodobkiisa 3.9 kaasoo shaacinaya faragelinta dowladda ku heyso dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeed Golaha Iskaashiga.