Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shir caalami ah oo ka dhacay Ciraaq

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi iyo wafdi la socda ayaa gaaray caasimadda dalka Ciraaq ee Bagdaad, Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Biyaha dalka Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.

Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee biyaha caalamiga ah ee Baghdad.

Wasiirka ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulamo la yeelan doona madaxda Wasaaradda biyaha Ciraaq iyagoo kawada hadlaya iskaashiga dhanka Maaraynta kheyraadka biyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor