Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayleh ayaa dib uga laabtay Go’aankii ay Guddiga horey ugu joojiyeen Doodihii Murashixiinta Madaxweynaha ee muranka ka dhashay.
Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay in Dooddaha Muraxshixiintaasi dib loo bilaabi doono maalinta Isniinta ee soo socota oo ku beegan bishan February 6-da, isla markaana Doodaha loo qaban doono si Hufan oo Dhexdhexaadnimo leh.
Bilowgii isbuucan ayey ahayd, markii ay 12-Murashax Madaxweyne ka biyo diideen in Doodahooda la faaf-reebo, inkastoo Guddiga Doorashadda sheegeen inuu buuqaasi ka dhashay Internet la’aan maalintaasi ka jirtay guud ahaan magaalladda Muqdisho.
Qaar ka mid ah Murashixiinta ayaa sheegay inaan iyaga lagu waregelin inuusan Internet jirin, balse ay ku soo baraarugeen markii ay saaxiibadooda ku soo wargeliyeen inaan Doodooda si toos ah uga soconin Telefishinadda.
Murashxiinta waxay kaloo ka soo horjeesteen in Doodahooda la faaf-reebo iyo in Suxufiyiinta Madaxa-banaan loo diido inay Toos u tebiyaan Dooddaha Murashixiinta.
Si kastaba ha ahaatee, Doodaha Murashixiinta Madaxweynaha loo qabanqaabinayo ayaan la ogeyn qaabka ay ku ddhici doonto iyo haddii Warbaahinadda Madaxa Bannaan loo oggolaan doono inay si Toos ah u tebiyaan Doodaahasi oo lagu qaban doono Xarunta Golaha Shacabka ee magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan