Gudiga doorashada heer aran ayaa bartooda Twitter –ka soo dhigay in 5-ta kursi ee horay loo laalay ay doorashadooda ka dhacdayso maanta magaalooyinka Muqdisho , Kismaayo iyo Baydhaba.
Kuraastan oo ahaa kuwii doorashadooda muranka ka dhashay ayaa waxaa horay go’aan uga gaaray in dib loogu noqday Madasha Wada-tashiga Qaran, waxayna ka soo reebeen 5-ta kursi illaa 11 kursi oo horay uu u diiday Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyo Guddiga doorashada dadban.
Kadib kulan ay Guddiga doorashooyinka shalay kula yeesheen Baydhabo iyo Kismaayo, odayaasha dhaqanka ee kuraasta beelaha la laalay, waxayna kala hadleen in doorashada ay u dhacdo qaab hufan oo xor iyo xalaal ah.
Kismaayo waxaa ka dhaceysa Doorashada Kursiga Beesha Gaaljecel/Doqondiide waxaana ku tartamaya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar oo horay Guddigii doorashada ee Jubbaland uga joojiyay Tartanka iyo ninkii kursigan horay ugu guuleystay oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir.
Kursiga labaad ee doorashadiisa ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ku tartamaya illaa saddex musharax oo ay mid tahay haweeneey lagu maagcaabo Xalima Maxamed Cabdi, Sheekh Shaacir Maxamed iyo Mukhtar Hassan Yarow.
Muqdisho waxaa yaala kursiga horay loo laalay ee uu ku soo baxay C/qaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha NISA C/llaahi Gaafow , waxaana kursigan doorashadiisa laga soo wareejiyay degmada Cadaado, waxaa ku loolamaya illaa saddex Musharax oo uu ku jiro C/qaadir Gaafow Maxamuud.
Shalay ayaa magaalada Garowe waxaa lagu doortay doorashada kursi Beesha Ugaar oo mar kale dib loogu doortay Cabdi Maxamuud Maxamed.
Si kastaba 5-tii kursi ee horay loo laalay ayaa waxaa ka dhiman hal kursi oo aan doorashadiisa wali lagu dhawaaqin, waana kursigii qalalaasaha ka dhashay ee doorashadiisa ka dhacday magaalada Jowhar, gaar ahaan Kursigii beesha Jidle ee uu ku soo baxay Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux, kaasoo la qaadacay.