Donald Trump oo ahaa Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka, inkastoo guushiisa noqotay arrin Filan-waa’ noqotay.
Trump oo ah Ganacsade milyooneer ah waxa u rumowday Hankiisa ku aadanaa inuu ku guuleysto Xilkaasi .
Markii lagu dhawaaqay Natiijadda Doorashadda ayuu Donald Trump waxa uu la hadlay Taageerayaashiisa, oo uu u sheegay inuu ku faraxsan yahay guushaasi.
“Waxaan ahaan doonaa Madaxweynaha dhamaan Dadka Maraykanka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Maraykanka.
Wuxuuna intaasi ku daray inay soo wacday Hillary Clinton, uguna hambalyeysay guushiisa iyo inuu isagana u hambalyeeyey iyada iyo Qoyskeeda.
Waxa uu Hillary Clinton ku tilmaamay qof si weyn ugu adeegta Dadka Maraykanka.
“Waan inaan si wadajir ah u helnaa…waa waqtigii aan si wadajir isugu imaan lahayn sidii hal dhamaan Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga. Waxaan noqon doonaa Madaxweynaha dhamaan Dadka Maraykanka, tani waa ii muhiim” ayuu yiri Donald Trump.
Waxa kale oo uu u mahad celiyey Qoyskiisa iyo Taageerayaashiisa.
Guusha Donald Trump ee uu ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Xisbiga Jambuuriga gacanta ku haya aqlabiyad ballaaran ku leeyihiin Senedka iyo Aqalka Wakiiladda “The Senate and the House of Representatives”.
©Radio Dalsan