Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Safarka Madaxweye lafta-gareen ee Diinsoor ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda halkaas ay gaaraan.
Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta ka socda Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhaweeynayo Madaxweyne Cabdicsiis Lafta-gareen, waxaana qeybo kamid ah Magaalada isugu soo baxay dadweyne badan.
Sidoo kale Ciidanka amniga ayaa siweyn u adkeeyay amniga Magaalada, waxaana Waddooyinka la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur galbeed oo wada baaritaano kala duwan.
Ujeedka Safarka Madaxweyne lafta-gareen ee Diinsoor ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Xaflad lagu Caleema-saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha deegaanka Degmadaas.