Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Safarka Madaxweye lafta-gareen ee Diinsoor ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Maamulka degmadaas iyo dadweyne farabadan.
Ujeedka Safarka Madaxweyne lafta-gareen ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Xaflad lagu Caleema-saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha deegaanka Degmadaas.
Sido kale inta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku sugan yahay Diinsoor ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan.
Ammaanka guud ee Diinsoor ayaa Maanta siweeyn loo adkeeyay,waxaana Waddooyinka la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur galbeed oo wada baaritaano kala duwan.