Gudiga Doorashada Dadban ee Heerja Federalka ayaa shaaciyay in ay soo gaareen magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ergadaan waxa ay kamid yihiin 14025 Ergo oo soo dooran doona guud ahaan 275 Xildhibaan ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
Guddigu Wuxuu Xaqiijiyay in hayo Magacyada 6528 Ergo oo u dhiganta 128 Ergo oo ka kala Imaan doono Dowlad Gobaleedyada, waxyna Maamul-gobaleedyadda soo kala direen:
Ergada K/Galbeed 57 kursi,
Ergada Jubbaland 42 Kursi,
Ergada Galmudug 12 Kursi,
Ergada Puntland 6 Kursi,
Ergada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe 11 Kursi.
Dhinaca kale, Gudiga Doorashada Dadban ee Federalka, waxay kaloo shaaciyeen inay maanta bilaaban doono Diiwaan-gelkinta Musharixiinta ku tartamaysa Kuraaasta qalka Sare, waxayna Guddiga ka cidsadeen Maamul-gobaleedyadda iyo Odayaasha Dhaqanka inay sida ugu dhaqsaha baadan ku soo dhamaystiraan Ergooyinkooda ka dhiman
©Radio Dalsan