Milkiilayaasha Shirkadda Dheemanka ee Lucara Diamond ee u dhashay dalka Kanada ayaa sheegay in Dheemankaasi oo aan wel ila kala jejebinin ayaa waxa uu culayskiisu dhan yahay 352 garam iyo cabirka kubbadda Teeniska.
Milkiilahaasi oo leh Shirkadda Karowe ee fadhigeeda dhexe ku yaallo dalka Botswana ayaa sheegay tan iyo sannadkii 2015-kii in 12 Dheeman laga soo saaray Botswana, oo ay ku jiraan 2 aad uga waa weyn 1,000 carats oo ah halbeegga miisaanka lagu cabiro Dheemanka iyo waxyaabaha jawharaadka ah ee la isku qurxiyo.
Dalka Botswana waxa uu hodan ku yahay soo-saarista Dheemanadda cabirka waa weyn, iyadoo 4 sanno ka hor laga helay Dheeman aan la kala jejeinin, oo loogu magac daray Lesedi La Rona.
Waxa uu dheemankaasi ahaa kii ugu weynaa caalamka Xilligaasi.
Dheemankaasi waxaa sannadkii 2017-kii iibsaday Ganacsade iibiya waxyaabaha Jawharaadka oo ku nool magaalladda London, iyadoo qiimaha lagu iibsaday dhamaa 53 million oo Dollar.
Si kastaba ha ahaatee, Dheemanka ugu weynaa Caalamka waxaa laga helay dalka South Afrika sannadkii 1905-tii, waa muddo haatan laga joogo 114-sanno ka hor.