Axmed Dalmar Ismaaciil oo ahaa Guddoomiyihii Maxkmadda Gobolka Maroodijeex ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa uu si rasmi ah isaga Casilay xilkii Guddoomiyenimo Maxkamadda Gobolkaas.
Sababta uu isku Casilay Guddoomiye Axmed Dalmar ayaa waxaa lagu sheegay in tahay,kadib markii shalay laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Maroodijeex,isla markaana loo bedelay Garsoore ka tirsan Maxkmadda Racfaanka,hayeeshee uu gabi ahaanba uu is Casilay.
Sidoo kale Guddoomiyihii Maxkmadda Gobolka Maroodijeex ee Magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay inuu haatan dooneyn in xil cusub loo mgacaabo.
Dhinaca kale Gudoomiyihii Degmada Hargaysa ee Somaliland Cabdirashiid Beer Geel ayaa waxaa isna laga qaaday xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka haayay degmadaas,isla markaana waxaa laga dhigay Mas’uul ka tirsan Maxkmadda Gobolka.